Wac dhakhtarkaaga ama dhakhtarka xoolaha haddii adiga ama xayawaankaaga ay yeeshaan jirro lama filaan ah ama aan la fahmin ama calaamadaha sumowga.
Algae waa waxyaabo yar yar oo ku nool harooyinka kuwaas oo isticmaala iftiinka qoraxda si ay u koraan, sida dhirtu ay sameyso oo kale. Algae waa cunto muhiim u ah kalluunka/malaayga iyo xayawaanada kale ee ku jira harooyinka. Laakiin qaar ka mid ah noocyada algae ayaa soo saara sun waxyeello u leh dadka iyo xayawaanka la korsado.
Algae sunta ah waxay u ekaan kartaa rinji ku daatay biyaha dhexdiisa, ama sida dhibco yar yar ama kooxo dhir ah oo ku jira biyaha dhexdooda.
Waxay inta badan yihiin cagaar khafiif ah ama buluug-cagaar , laakiin sidoo kale waxay noqon karaan cagaar, jaalle, ama buni. Sawirro badan ayaa laga helayaa https://www.nwtoxicalgae.org/Gallery.aspx. Haddii aad aragto algae u eg kani, badbaado ku sugnow isla markaana iska ilaali in aad gasho harada!
Haddii algae u egyahay sida darin/roog adag oo kale ‘mats’ ama xargaha waxaad ku qaadi kartaa gacmahaaga, waa nooc kale oo algae ah. Ma soo saaro sun.
Ogow kuwa ay yihiin harooyinka ku yaala Gobolka Washington ee hada leh algea sun ah www.nwtoxicalgae.org. Ka fiiri dhinaca midig ee website-ka liiska harooyinka. Harooyinka liiskan ku jira ee dhawaan laga qaaday muunado dhanka biyaha ee yeeshay qiyaas sun ah oo aan badbaado lahayn.
Haddii qoraalka guduudka ahi leeyahay “No lake is above guidelines” (Ma jirto haro ka sarreysa tilmaamaha la raacayo), ma jiraan harooyin dhawaan laga qaaday muunado oo yeeshay qiyaas sun ah oo aan badbaado lahayn.